Heemaal News Network

Midabka Kaadidaada Ka Ogow Caafimaadka Kalyahaaga.

Kelyuhu waa xubin muhiim ah oo jirka ka mid ah. Dhiigga saafiga ah ee ku dhex wareega jirkeena iyo qashinka dareeraha ah iyo biyaha xad-dhaafka ah ee jirka ayaa lagu sifeeyaa kelyaha oo laga soo saaraa kaadida.

Marka si fudud aan u eegno baaxadiisa, waxaa muhiim ah in la fahmo in sagaal ka mid ah 10 sababood ee ugu waaweyn ee dhimashada cudurrada halista ah ay sabab u tahay cudurro kala duwan oo kelyaha ku dhaca.

Caalamka ayaa waxaa sanad walba ay dad badan u dhintaan cudurada ku dhaca kelyaha.

Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2013, kelyaha oo shaqayn waayey ayaa lagu qiyaasaa 2.9% dhammaan dhimashada dadka ay da’doodu u dhaxayso 15-69 sano, taasoo ah koror 50% ah tobankii sano ee la soo dhaafay.

Cudurka Sonkorowga ama Macaanka ayaa ahaa sababta ugu badan ee keenta in qofka ay fariistan kelyaha.

Haddii aan erayo fudud ku qeexno, kelyuhu waa nidaamka shaandhada jirkeena. Kelyaha waxay ka saaraan qashinka dhiigga waxayna sameeyaan kaadida.

Qof kasta oo caafimaad qaba jirkiisu wuxuu soo saaraa xaddi borotiinka ah kaadida, laakiin marka borotiinnadan laga soo saaro xaddi aan caadi ahayn oo ka badan intii loo baahnaa oo jirka ah, waa khatar, dheecaankan waxaa loo yaqaannaa proteinuria.

“Sababta ugu badan ee kordhisa maadadan proteinuria waa cudurka sonkorowga. Haddii qofku qabo sonkorow isla markaana aan la xakameynin, borotiin xad-dhaafka ah ayaa laga soo saaraa kaadida. Sidaa darteed, calaamadda ugu horreysa ee cudurka macaanka waa qofka oo ay kaadidiisa badato.

Sababaha kale ee badiya proteinuria waa dhiig karka iyo cudurrada kale ee kelyaha la xiriira.

Isagoo ka hadlaya calaamadaha borotiinka, wuxuu yiri, “Haddii bukaanku dareemaan in kaadidoodu ay badan tahay, waa calaamad muujinaysa borotiinka”.

Marxaladda hore ee borotiinka, bukaanku waxay la kulmi karaan barar gacmaha iyo cagaha, daal, calool xanuun ama caabuq caloosha. Sababaha kale ee cudurkan waxaa ka mid ah cadaadiska dhiigga iyo cudurrada kale ee kelyaha la xiriira.

Kaadida waxaa ku jira biyo iyo cusbo. Maaddada Urea waxa laga soo saaraa beerka marka ay amiino asiidhyada xad dhaafka ah la jebiyo. Urea waa qashin weyn oo laga soo saaro kaadida sababtoo ah dib uma soo celin kelyuhu.

Sida laga soo xigtay joornaalka caafimaadka ee Harvard Health, kaadidu waa biyo badan iyo wasakh ay kelyahaagu ka shaandheeyaan dhiigaaga. Midabkeedu inta badan wuxuu u dhexeeyaa jaale ciiro leh ilaa bunni madow, taas oo ku xiran sida uu u urursan yahay – xaddiga qashinka biyaha ku jira.

Dr. Siddharth oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in haddii qofku dareemo in kaadidiisu ay guduudan tahay, madaw ama maariin ama midab kale ay tahay inuu feejignaado.

Sidoo kale, haddii xaddiga kaadidu uu aad uga yar yahay inta caadiga ah ama ay ka badan tahay inta caadiga ah, ama haddii qofku uu si joogto ah u kaadiyo ama uu qofku dareemo cadaadis badan inta uu kaadinayo oo uusan xakameyn karin gabi ahaanba, waxaa suurtogal ah in ay jiraan dhibaatooyin kelyaha ah.

Kelyuhu waa xubin lagama maarmaan iyo muhiim u ah jirka waxayna leeyihiin hawlo badan oo ay qabtaan.

Waxay kaa caawinayaan ilaalinta dheelitirnaanta caafimaadka leh ee macdanta jirkaaga, iyo waliba macdanada kale ee sida kalsiyum, sodium iyo potassium.

Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan soo saarista unugyada dhiigga cas.

Waxay ilaalisaa dheellitirka acid-base (pH) ee jilicsan ee dhiigaaga.

Waxay ka saartaa qashinka ugana saartaa jirkaaga qaab dheecaan ah.

Kelyuhu waa xubno ka mid ah habka kaadida ee jirka oo soo saara biyaha xad dhaafka ah, cusbada, iyo kaadida.

Kelyuhu waxay soo saaraan kaadi waxayna caawiyaan ilaalinta dheelitirka biyaha. Kaadida ayaa laga soo qaadaa kelyaha oo la geeyaa kaadiheysta iyada oo la sii marayo kaadi mareenka. Kaadi-haysta waxay kaydisaa kaadida ilaa ay ka soo baxdo jirka.

Cudurka Macaanka waxa uu keenaa heerarka sonkorta dhiigga oo sarreeya waxaana uu saameeyay in ka badan 41.5 milyan oo qof oo adduunka ah. Waa maxay haddaba?

Sababaha ugu badan ee cudurka kelyaha waa dhiig karka iyo macaanka ama sokorowga.

Keli kastaa waxa ay ka kooban tahay ilaa 1 milyan oo unugyo shaandhayn oo yaryar oo loo yaqaan nephrons. Cudur kasta oo dhaawaca ama saameeya nephrons wuxuu keeni karaa cudur kelyaha ah. Macaanka iyo dhiig karka labaduba waxay dhaawici karaan kelyaha.

Cadaadiska dhiigga oo sarreeya wuxuu kaloo dhaawici karaa xididdada dhiigga ee kelyaha, wadnaha iyo maskaxda. Kelyuhu aad bay xididdada dhiigga ugu shubaan, taasoo la macno ah inay leeyihiin xididdo dhiig oo badan. Sidaa darteed, cudurrada xididdada dhiigga ayaa inta badan halis u ah kelyaha.

Cudurka qofka haya muddada dheer ee sidoo kale loo yaqaan cudurada joogatada ah, waa luminta ama in ay si tartiib tartiib ah shaqada u qabaan kelyaha qofka.

Calaamadaha cudurka kelyaha ee daba dheeraada waxay soo baxaan waqti ka dib, dhaawaca kelyuhuna tartiib tartiib ayay u socdaan.

Calaamadahaas waxaa ka mid ah lallabbo, matag, cunto xumo, daal iyo tabar-daro, dhibaatooyinka hurdada, isbeddelka kaadida, niyad-jabka, murqo xanuun, iyo bararka gacmaha.

Cudurka kelyaha waa xaalad caafimaad kelyaha ah oo sii socota muddo ka dib, aakhirka kellida waxaa gaara dhaawac waxayna gabeysa shaqadii loogu talagalay oo waa ay fariisaneysaa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Caafimaad Darrada Ku Gadaaman Caadada Oo Joogsata Xili Hore

Heemaal

Xanuunka Wadnaha Iyo Daawaynta Ay Ku Samayso Cunista Yaanyadu.

Heemaal

Cun Toban Cunto mid Ka Mid Ah Noqona Qof Aad U Caafimaad Iyo Caqli Badan

Heemaal