Xildhibaan Perry Scott oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump, ayaa laga soo doortay Pennsylvania.
Mooshinka oo tirsigiisu yahay H.R.10402 — 118th Congress (2023-2024) ayaa si rasmi ah loo gudbiyay 12 December 2024.
Tan iyo markii dib loo doortay Trump waxaa si weyn u soo baxaysay in Jamhuuriga ay u ol’oleynayaan in la aqoonsado Somaliland, waxaana qorshahan ay ku caddahahay barnaamijka “Project 2025” oo ay dejisay hay’ad u janjeerta dhanka Jamhuuriga oo Heritage Foundation la yiraahdo, oo soo saarta kaadirka xisbiga Jamhuuriga.