Heemaal News Network

Musk oo amar yaab leh siiyey Shaqaalaha dowlada Mareykanka

Elon Musk oo ah madaxa Waaxda Hufnaanta Dawladda (DOGE) ee maamulka madaxweyne D. Trump ayaa Sabtidii ku hanjabay inuu shaqada ka eryi doono shaqaale kasta oo federaal ah oo ku guuldareysta inuu sharxo shaqadii uu qabtay toddobaadkii la soo dhaafay.

Hanjabaaddan, oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X, ayaa timid waxyar uun ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku qoray shabakaddiisa Truth Social in hay’adda DOGE ay si habsami leh u yaraynayso oo ay dib u habeyn ugu sameynayso shaqaalaha federaalka.

“Dhamaan shaqaalaha federaalka waxaa dhowaan la gaarsiin doonaa email lagu wargalinayo inay sharaxaan waxa ay qabteen toddobaadkii la soo dhaafay,” ayuu Musk ku qoray X. “Haddii aysan ka jawaabin, waxaa loo aqoonsan doonaa inay is casileen.”

Fiidnimadii Sabtida, emailo ayaa loo diray shaqaalaha hay’adaha federaalka sida Guddiga Ammaanka iyo Sarrifka (SEC), Hay’adda Cimilada iyo Badaha Qaranka (NOAA), Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC), iyo kuwa kale, iyadoo ciwaanku yahay, “Maxaad qabatay toddobaadkii la soo dhaafay?“

Emailka, oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa shaqaalaha federaalka ka codsanaya inay ka jawaabaan shan qodob oo kooban oo sharxaya shaqadii ay qabteen toddobaadkii hore, iyagoo sidoo kale koobiga emailka u diraya maamulkooda.

Emailka, oo laga soo diray ciwaanka xafiiska Maareynta shaqaalaha ayaa shaqaalaha siiyay waqti kama dambays ah oo ahIsniinta 11:59 fiidnimo (Xiliga Bariga Maraykanka) si ay uga jawaabaan.

Lama oga sharciyadda uu Musk u leeyahay inuu shaqada ka eryo shaqaalaha federaalka haddii aysan ka jawaabin codsigiisa.

Afhayeen u hadlay DOGE yaanan wax jawaab ah ka soo bixin codsi loo diray oo lagu weydiinayey inuu faallo ka bixiyo arrintan.