Musuqmaasuq xoogan ayaa ka taagan xafiiska laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha DF ku leedahay garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho, iyadoo cabasho xoogan ay ka soo yeereyso qaar ka mid ah dadka ka dhoofa garoonka.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah Saraakiisha laanta socdaalka ayaa bilaabay iney ku dhegaan ama safarada ka reebaan dhalinyarada ka dhoofaya garoonka iyagoo ku tuhmaya iney u socdaan tahriib.
Dhalinyarada sida gaar ah loo beegsado ayaa waxay yihiin kuwo ku sii jeeda dalalka, Masar, Itoobiya iyo Turkiga oo inta badan lala xiriiriyo iney sii maraan dhalinyarada tahriibka ugu sii jeeda dalalka Yurub.
Hase ahaatee saraakiisha laanta socdaalka ayaa marka ay qabtaan dhalinyarada oo wata Visa ama dal ku gal sax ah waxay ku xujeeyaan iney bixiyaan lacago laaluush ah si ay safarkooda u sii wataan iyadoo qofkii bixin waaya lacagtaas laga reerbo safarka isagoo wata dokumenti sax ah.
Lacagaha laaluushka looga qaato dhalinyarada ayaa u dhexeeya $200-300 oo Dollar, waxayna arintaas saameysay dhalinyaro badan oo qaarkood dalalkaas ugu socday arrimo Waxbarasho Jaamacadeed iyo dano kale oo ka baxsan tahriibka.
Ma jirto sabab sharci ah oo safar looga reebi karo qof wata dokementi dhameystiran sida baasaboor iyo Visa sax ah, iyadoo aan la heynin cadeyn la xiriira fal dambiyeed uu galay ama inuu u socdo tahriib sida ay qabaan sharci yaqaanada ku xeeldheer arrimaha socdaalka.
Agaasimaha heyadda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee DF Mustaf Dhuxulow oo si weyn uga war haya musuqa ka socda xafiiska heyadiisa ee garoonka Aadan Cabdulle ayaan ilaa hadda waxba ka qaban dhibaatadaas lagu hayo dadka safarka ah, isagoo taas bedelkeed ku faana iney la dagaalamayaan tahriibka.