Heemaal News Network

Muuse Biixi Oo Xilka ka Qaaday Wakiilkii Somaliland Ee Itoobiya Mid kale-na

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/04/2024 soo saaray xilkii kaga qaaday wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka Ethiopia , isagoona magacaabay wakiil Cusub.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xilka looga qaaday Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo ahaa wakiilkii Somaliland u joogay dalka Ethopia, waxaana wakiilka cusub ee Ethopia loo magacaabay Aadan Geeddi Qayaad Cabdi .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cumar Cali Cabdillaahi Bade

Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah

Mudane, Waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.