Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa teleefoonka kula hadlay gelinkii dambe ee maanta oo ah Talaado, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, isagoo u jeediyay hambalyo diirran oo ku aaddan xilka maanta loo magacaabay.
Intii khadka isgaarsiinta lagu wadahadlayay, Wasiir Axmed Fiqi waxa uu adkeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo iyo kan diblomaasiyadeed ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti
Waxaa uu caddeeyay aragti-wadaagga dhanka iskaashiga iyo horumar is-dhaafsiga. Waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo hoggaaminta Wasiirka reer Jabuuti ee xoojinta xasilloonida gobolka iyo sare-u-qaadidda dano-wadaagga.
Labada Wasiir ayaa waxa ay fallanqeeyeen hore-u-dhaqaajinta xiriirka labo geesoodka iyo is-gaashaanbuursiga fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga iyo kor-u-qaadidda wax-wadaagga istiraatiijiyadeed.