Heemaal News Network

Nasrallah Oo ka Hadlay Weerarada Israa’iil Ee kusoo Wajahan Lubnaan

Israa’iil waxaa suragal ah inay ka fuliso Lubnaan toddobaadyada ina soo aadan howlgal gaar ah oo lagu beegsanayo hoggaamiyaha ururka Xisbullah, Xasan Nasrallah, sida laga xigtay xubin ka tirsan guddiga amniga Baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, oo lagu magacaabo Nissim Fituri, wuxuu intaa ku daray ;

“ Hadda Sirdoonka waxay ogyihiin halka uu joogo Nasrallah, howlgalka lagu gaarayana wuxuu dhici kara saacad kasta.”

Nasrallah, wuxuu ka baaqsaday munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Iran ee ka dhacday Tehran dabayaaqadii bishii July, taasoo saacado kaddib la dilay madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, sababo la xiriira inay Israa’iil ku raad-joogto, xilligan haddii lagu aadiyo dilkiisa, waa marxalad kale oo ay Israa’iil ku doonayso sii socoshada dagaalka oo hadda ku jira marxalad ku dhaweyn karta inuu xadduudaha ka gudbo.

Netanayahu iyo wasiirradiisa midigta fog ayaa hadda ku riixaya saraakiisha ammaanka in la diyaariyo weerar baaxad leh oo lagu qaado koonfurta Lubnaan, si ay halkaa Israa’iil u qabsado, xaalad ay u arkaan inay ku dejin karaan xiisadda gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato oo ay weerarro maalinle ah ka geysato Xisbullah.