Netanyahu , ayaa sheegay in uu aad uga carooday falka naceybka ah ee lagu dilay lamaanaha Israa’iiliiinta ah, waxa uuna weerarkan lagu duilay lamaanaha ku tilmaamay mid salka ku haya Yahuud naceyb uuna aad uga xun yahay, isaga oo tacsi u diray qoysaska laaanaha.
“Waxaan si toos ah u soo jeediyay in la xoojiyo ammaanka howlgallada Israa’iiliyiinta ee guud ahaan caalamka iyo wakiillada dowladda.”, ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay lamaanaha Israa’iiliyiinta ee ka shaqeenayay safaarada Washiginton xilli ay kasoo baxayeen madxaf yahuuda leedahay, waxaana lamaanaha la dilay magacyadooda lagu kala sheegay Lischinsky iyo Sarah Milgram.