Madaxa Nato Mark Rutte ayaa saaka la hadlayay warbaahinta ka hor shirka madaxda Yurub ee maanta ka furmaya Budapest.
Isagoo tixraacaya ku lug lahaanshaha Kuuriyada Waqooyi ee dagaalka Ukraine iyo bixinta tignoolajiyada Ruushka ee Kuuriyada Waqooyi, Rutte waxa uu sheegay in uu rajaynayo “in uu la fariisto Donald Trump” si ay baaraan hanjabaadahaas “si wada jir ah”.
Waxa uu intaa ku daray in iskaashiga labada dal aanu “khatar ku ahayn qaybta Yurub ee Nato oo keliya balse sidoo kale uu khatar ku yahay dhul weynaha Maraykanka.”
Dhamaadkii bishii hore, Nato ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi la geeyay dalka Ruushka, arrintaas oo ay kooxda ammaanku ku tilmaantay “in ay xaaladda sii adkeyneyso”.