Heemaal News Network

NATO Oo Wacad ku Martay in ay u Dagaallamayso Xubinimada Ukraine iyo ku Garabsiinta Dagaalka

Xubnaha Nato ayaa ballan qaaday inay taageerayaan xubinnimada mustaqbalka ee Ukraine, iyo in lagu garab istaago gargaar dheeraad ah.

Iyadoo aan lagu heshiin jadwal rasmi ah oo ku biirista isbaheysiga militariga shir madaxeedkii ka dhacay Washington DC, 32-da xubnood ee isbaheysiga Nato ayaa sheegay inay “taageero hagar la’aan ah” u hayaan dadaalka Ukraine.

Nato ayaa sidoo kale ku dhawaaqday iskaashi dheeri ah oo ay la yeelato militariga Ukraine waxaana xubnaha ay ballan qaadeen ($43.3bilyan, oo gargaar ah sanadka soo socda, oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka F-16 iyo taageerada difaaca hawada.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jens Stoltenberg ayaa yiri: “Caawinta Ukraine maaha jacayl waxaa ay tahay danahayaga amniga.”

Duullaanka Ukraine ayaa ahaa ajandaha ugu sarreeya ee shirka Nato, bayaan ay ku heshiiyeen dhammaan xubnaha ayaa lagu sheegay in Ruushku “uu weli khatar weyn ku yahay” ammaanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha F-16 ee Mareykanka lagu sameeyo ay ku howlan yihiin sidii Ukraine loogu soo wareejin iyagoo ka imaanaya dalalka Denmark iyo Netherlands.