Heemaal News Network

Netanyahu; “Ma Aqbaleyno Heshiis Lagu Joojinayo Dagaalka Qasa”

Gobolka Bariga dhexe wuxuu wajahaya marxalad xasaasi ah, iyadoo ay burburtay rajo kasta oo laga qabay in heshiis xabbad-joojin ah laga gaaro dagaalka Qasa.

Diblomaasiyadda dalalka Carabta oo dadaal geliyay in heshiis uu dhaco si loo dejiyo xiisadda gobolka , ayaa si cad u guul-darraysatay.

Wadahadallo la filayo in toddobaadkan dabayaaqadiisa ay ka dhacaan Qaahira ma jirto filasho wanaagsan oo laga qabo, kaddib markii Netanyahu uu hoos u dhigay awoodda ay go’aamada ku gaari karaan kooxda wada-xaajoodka ku matalaya Israa’iil, isagoo meesha ka saaray heshiis kasta oo laga gaaro inay ka baxayaan isgoysyada ku yaalla xadka Qasa iyo Masar, uusan marnaba aqbalayn Netanyahu ‘islamarkaana uusan joojin doonin dagaalka.

Ururka Xamaas, ayaa dhankooda diidday heshiis kasta oo aan soo afjareyn dagaalka oo aan bixineyn dammaanad la xiriirta inay ciidanka Israa’iil isaga baxaan marinka Qasa.

Iran iyo xulafadeeda ay ugu horreyso Xisbullah, ayay saacadihii u dambeeyay indhaha oo dhan u jeesteen, xilli Iran ay ku adkeysanayso inay ka jawaabayaan dilkii fadeexadaada ku ahaa ee Ismaaciil Haniyeh, halka Xisbullah ay doonayaan hoggaamiyahooda militariga dilkiisa inay ka jawaabaan, laakin illaa intee ayay gaarsiisan tahay jawaabta Iran iyo xulafadeeda? Tan ayaa ah marxalad qaad-siin karta bariga dhexe colaad aan dhammaad lahayn.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa isku muujiyay inay dheefta ugu jirto dagaal dhan walba ah oo ka dhaca gobolka bariga dhexe, siyaasadiisa gudaha ee burburtay, wuxuu neef ku siin karaa colaadan oo horey loogu socdo.

Toddobaadkii hore Israa’iil ayaa u sheegtay Mareykanka iyo xulafada galbeedka inay ka jawaabi doonaan weerar kasta oo uga yimaada Iran iyo xulafadeeda, iyagoo markaa ku hanjabaya xarumaha shidaalka iyo nukliyeerka Iran inay garaaci doonaan, markaasoo ay ku xireen hadba inta ay gaarsiisan tahay weerarka Iran.

Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxay toddobaadkii hore si wadajir ah ugu saxiixeen Tel Aviv, howlgal wadajir ah oo ay ku difaacayaan Israa’iil, haddii ay Tel Aviv ku sii socoto dagaalka, sidoo kale waxay ka qeyb qaadan doonaan jawaabta ay bixinayso Israa’iil.

Arrimaha uma wanaagsana bariga dhexe, walaaca oo dhana wuxuu jira dalalka Carbeed oo dadaalkooda isugu geynaya in laga hortago dagaal weyne ka dhaca gobolka, xilli mar horaba saameynta colaadan si bilow ah looga arkay gobolka oo ay hoos u dhacday isku socodkiisa.