Heemaal News Network

Netanyahu Oo Diidday inuu la kulmo xoghayaha Arrimaha Dibadda UK

Sida laga soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Channel 13, Netanyahu ayaa diidday inuu la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda UK, David Lammy intii lagu jiray booqashadii Lammy ee Israa’iil uu ku tagay Jimcihii.

Sababta uu mowqifkan u qaatay Netanyahu ayaa la sheegay inay tahay tallaabo uu ka muujinayo carada uu ka qaaday go’aanka dawladda cusub ee UK ee la xiriira inaysan faragelin doonin go’aanka maxkamadda dambiga caalamiga ah oo waaran xarig ah u jartay Netanyahu.

Iyadoo uu caroonayo Netanyaho, hadda Israa’iil ayaa si deg deg uga codsatay UK inay joogitaan rasmi ah oo militari ku yeeshaan aaggaga Israa’iil si ay uga difaacaan haddii weerarro ay uga yimaadaan Iran.