Dalalkan ayaa haddii ay oggolaadaan qorshaha Israa’iil, waxay heli doonaan dabool diblomaasiyadeed iyo taageerro dhaqaale, wallow ay horey Soomaaliya u caddeysay mowqifkeeda ay ku diidday barakicinta Falastiiniyiinta, haddana toddobaadkii hore wuxuu Netanyahu dhisay guddi gaar ah oo ka shaqeynaya sidii ay Israa’iil ku gaari lahayd in la helo habab Falastiiniyiinta ay ikhtiyaarkooda uga baxayaan Qasa , xilli sare ay Israa’iil u qaaday duqeymaha ay ka geysanayso marinka Qasa oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu jabiyo adkaysiga Falastiiniyiinta reer Qasa.
Dawladda Soomaaliya wali kama hadlin wax la xiriira warbixintan oo qeyb ka noqonayso warbixinno ay warbaahinta ka soo bandhigayso mowqifka barakicinta dadka Qasa ee ay ka mideysanyihiin Netanyahu iyo Trump , mar kastana Soomaaliya ayaa ku soo baxaysa dalalka ay u arkaan inay ku habboonyihiin in la dejiyo Falastiiniyiinta laga fogeynayo dhulkooda — ma cadda haddii sababta mar kasta liiskaa ay Soomaaliya uga soo muuqanayso ay tahay inuu Netanyahu arkayo helitaanka habab badan oo lagu cadaadin karo Soomaaliya..!