Maalmo ka hor, Raadiyaha Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in milateriga Israa’iil ay saldhigyo ka sameysteen Suuriya ,iyadoo aan la xaddidin waqtiga ay halkaa ku sugnaan doonaan. Israa’iil waxay ciidankeeda galisay Suuriya, isla markaanna weerarro duqeymo ah ku burburisay agabkii milateri ee Suuriya, isla maalintii la xaqiijiyay in xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad.
Suuriya waxay waydiisatay Israa’iil inay ciidamadeeda kala baxdo dalkeeda. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duullaanka Israa’iil ee dhulka Suuriya uu ka dhigan yahay xadgudub ka dhan ah heshiisyada caalamiga ah, waxayna sidoo kale ku baaqeen in ciidamada laga saaro. Madaxweynaha Suuriya Axmed Sharac ayaa horay u cambaareeyay soo gelitaanka ciidamada Israa’iil, isagoo dhanka kale ku nuux-nuuxsaday in xaaladda hadda dalku ku sugan yahay “aysan suragal ka dhigeyn in la galo dagaallo cusub.” Waxaa kaloo uu sheegay ; “Israa’iiliyiintu waxa ay si cad uga gudbeen xadkii ay la lahaayeen Suuriya, taas oo khatar gelinaysa in ay sii huriso colaadda gobolka.”
Dhinaca kale Warsaxaafadeed ay baahiyeen ciidanka Israa’iil, ayaa lagu sheegay inay isku diyaarinayaan inay dib ugu laabtaan dagaalka Qasa, iyagoo intaa ku daray; “Kaddib qiimeyn xaaladeed, waxaa la go’aamiyay in la kordhiyo diyaargarowga hawlgalka ee aagga ku hareeraysan marinka Qasa.”
Xabbad-joojinta Qasa, ayaa hadda u muuqata inay isku rogtay mid jilicsan oo xilli kasta uu burbur ku imaan karo, xilli Israa’iil ay hakisay sii deynta in ka badan 600 oo maxaabiis falastiiniyiin ah, kuwaas oo qorshuhu ahaa in la sii daayo shalay, iyadoo ku sababaysay in aanay ku qanacsanayn habka loo sii daayo maxaabiista Israa’iil ee Xamaas u xidhan.