Netanyahu, ayaa u yaqaana maalinta xigta dagaalka, marka uu burburiyo Xamaas oo waxa uu u doonayo ee uu ku sheego guusha ka gaaro Qasa, taa oo ah waqti dheer oo dagaal ay ku sii jirto marinka Qasa.
Netanyahu, ayaa u sheegay shabakadda Fox News; in Trump uu yahay saaxiibkii ugu sarreeyay ee ay Israa’iil ku yeelato Aqalka Cad… “Hadafkayagu waa inaan burburino Xamaas, si buuxdana way nooga go’antahay taaasi, Waxaan bedeleynaa bariga dhexe, Israa’iilna waxay horey u samaysay sannadkii hore… Waxaan u sheegay Trump in Iran aan loo oggolaan inay haysato hubka Nukliyeerka.”
Dhinaca kale Ururka Xamaas, ayaa warsaxaafadeed ay baahiyeen ku sheegay inaysan oggolaan doonin inuu Mareykanka la wareego Qasa, iyagoo ku sheegay inaysan jirin wax kala duwanaasho ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo ay kala hortagi doonaan iska caabbin. Waxaa ay sidoo kale Carabta ugu baaqeen inay shir weyne ka yeeshaan qorshaha Trump si loo joojiyo.