Heemaal News Network

Netanyahu oo sheeko cusub keenay & afgembi laga cabsi qabo

Netanyahu, ayaa lagu warramayaa inuu isku soo koobay wada-tashiyada dhinaca Israa’iil ee wada-xaajoodka lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin ka dhacda Qasa

Waxaa soo baxaysa inuu xoojinayo shuruudaha heshiiska oo ay ku jiraan inay ka hortagi doonaan dhaqdhaqaaq ka dhaca waqooyiga Qasa iyo inaysan ka bixi doonin ciidanka Israa’iil marinka Philadelphia ee isku xira Qasa iyo Masar

Arrintan waxaa la sheegay inay muujinayso sida ay u burburi karaan wada-hadallada, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa wargeyska Israa’iil ee Haaretz.

Netanyahu, oo kala diray golihiisa dagaalka ayaa la kulmaya cadaadis gudaha ah iyo walaac uu ka qabo inay afgambiyaan militariga iyo saraakiil ka tirsan xukuumadiisa, xilli maalmo ka hor la soo bandhigay inuu la wadaagay shaqsiyaad ku dhow inuu doonayo xilka qaadis uu ku sameeyo Wasiirka difaaca iyo saraakiil ka tirsan militariga.

Waxaa kale oo uu wajahayaa guul darro uu kala kulmay Maxkamadda sare oo diidday inay dib u dhigto dhageystiga dacwada musuqmaasuqa ee loo heysto, taasoo calaamad u ah inuu ku jiro go’doon siyaasadeed.