Heemaal News Network

Netanyahu Oo Sii Laalaay Wadahadalii Nabbadda Ee Maraykanku Waday

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aysan ka bixi doonin Gaza ama aysan sii deyn doonin kumannaan Falastiiniyiin ah oo xiran, waana labo ka mid ah dalabaadka ugu muhiimsan ee Xamaas ay ku dalbatay wadahadallada xabbad joojinta aan tooska ahayn ee socda.

Intii lagu guda jiray dhacdo ka dhacday Daanta Galbeed ee la haysto, Netanyahu waxa uu mar kale wacad ku maray in aanu dagaalku dhammaanayn haddii aanay Israa’iil “guusha buuxda” ka helin Xamaas.

“Ma joojin doono dagaalkan anaga oo aan gaarin dhammaan yoolalkayaga,” ayuu yidhi. “Kama soo saarayno millatariga Israa’iil marinka Gaza, mana sii deyn doono kumannaan argagixiso.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Warbixinta Qaramada Midoobay Oo Dalbatay In Danbiilayaasha Lagula Xisaabtamo Xadgudubyada Ka Dhacay Falastiin Iyo Israa’iil

Heemaal

In Ka Badan 50 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Ay Israil Ka Gaysatay Rafah

Heemaal

Haniya Oo Sheegay In Israa’iil Aysan Awoodi Doonin In Samayso Waxa Ay Ku Hamiyayso!

Heemaal