Heemaal News Network

Netanyahu Oo soo Bandhigaya inuusan wax ixtiraam ah u heyn Masar,

Netanyahu ayaa wuxuu soo bandhigaya inuusan wax ixtiraam ah u heyn Masar, waraysi uu siiyay Fox News, wuxuu ku sheegay ; “Masar waxay xireen isgoysyada, waxayna u diideen dadka Qasa inay baxaan… laakiin dadka ladan ee reer Qasa ka mid ah ayaa laaluush siiyay ciidanka ilaalada Masar ee Qasa, kuwaasoo u oggolaaday inay ka baxaan Qasa.”

Sida dhabta ah ma jiro cid aan heysan oggolaanshaha Israa’iil oo ay albaab u furaan Masar, marka la gelinayo gaadiidka gargaarka waa inay soo baaraan Israa’iil, waqtiga dhaawacyada ay ka baxayaan Qasa marka heshiisyada dhacaan , sidoo kale waa in dadkaa ay oggolaata, sababtoo ah haddii qof isku dayo ama gaari uu ka baxo marinka Qasa, waxaa beegsanaya diyaaradaha Israa’iil oo aan ka baxin hawada isgoysyada isku xira Qasa iyo Masar.