Heemaal News Network

New Zealand Oo soo Saartay War Adag Oo ka Dhan ah Muhaajiriinta.

New Zealand ayaa ku dhawaaqday in si degdeg ah loo adkeynayo sharciyada dal ku galka si loo joojiyo qulqulka muhaajiriinta imaanaya, kuwaasoo gaaray heerkii ugu sarreeyay sanadkii hore.

Waxaa yimid boqol iyo toddobaatan iyo saddex kun oo qof, tiradaas oo ay dowladdu ku tilmaantay mid aan la sii wadi karin.

New Zealand waxa ku nool in ka badan shan milyan oo qof.

Hadda wixii ka dambeeya, waxaa jiri doona imtixaano adag oo Ingiriisi ah oo laga qaadayo shaqaalaha xirfadaha yaryar, iyo hoos u dhac ku yimid waqtiga dadka qaar ay sii joogi karaan dalka.

Australia waxay sidoo kale dhawaan soo bandhigtay sharciyo adag oo dalkugalka ah si loo xakameeyo socdaalka sii kordhaya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Turkiga oo Xayiraad dhanka Fiisaha Transit-ka ku soo rogtay 10 Dal Oo ay Somaliya ka mid tahay

Heemaaln