Heemaal News Network

Dal carbeed oo heshiis ku kacaya Bilyan Dollar la galay Israel

Morocco ayaa heshiis 1 bilyan oo dollar ku kacaya la gashay Israa’iil, si ay u hesho dayax-gacmeedka xogta aruuriya ee Ofek 13, oo ay soo saarto shirkadda tiknoolajiyada Israa’iil ee IAI.

Shirkadda IAI ayaa soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqeynta ugu badan ka geysta Qasa, halka ay sidoo kale howlgalo badan ka fuliyeen Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, balse hadda shirkadan waxay ka faa’iideysanaysa khandaraasyada isla Carabta ka imaanaya.

Mareegaha wararka ee Marooko ee Le Desk iyo Le360 ayaa kasoo xigtay ilo-wareedka Israa’iil ee Rabat in qandaraasku uu dhigayo in shirkaddu ay bixin doonto dayax-gacmeedka basaaska ee Ofek 13, kaasoo beddeli doona laba dayax-gacmeed oo ay sameeyeen Airbus iyo Thales.

Israa’iil iyo Morocco waxay saxiixeen heshiis difaac ah oo ka hadlaya sirdoonka, iskaashiga warshadaha iyo soo iibinta qalabka militariga.

Shirkadda Israel Aerospace Industries Company ayaa ogeysiisay Sarifka saamiyada Tel Aviv Talaadadii in ay saxiixday heshiis ay ku keenayso qalab milatari oo qiimahiisu dhan yahay $1 bilyan oo doolar muddo ku dhow shan sano oo ay la gashay waddan ay u aqoonsatay “dhinac saddexaad oo ah Marocco