Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah Bayhabo kula qaatay xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, kuwaa oo deegan doorashadoodu ay tahay Koonfur Galbeed
Madaxweyne Laftagareen iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen arrimaha taagan ee siyaasada dalka, hormarinta bulshada iyo amniga guud ee deeganada maamulka Koonfur Galbeed.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa xildhibaanada Aqalka Sare uu la kulmay uga warbixiyay kulmadii uu la qaatay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadad Soomaaliya oo Baydhabo ku sugnaa muddo labo maalin ah, iyo natiijada kasoo baxday kulamadaasi.
Madaxweyne Laftagareen ayaana ka codsaday xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay noqdaan kuwa isku xiran oo difaacda maamulkooda, waxa uuna xusay in jiritaanka Koonfur Galbeed leeyahay cadaw badan , kuwaa uu sheegay in looga adkaan karo isku duubmi.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf , kaa oo ka dhashay qorshe uu Madaxwerynaha Koonfur Galbeed ku doonayo in uu ku qabsado doorasho uu mar kale isaga kusoo baxayo.