Munaasabadda ayaa lagu xusay kala guurkii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) una guuray UNTMIS, is bedelka xafiiskaan ayaa astaan u ah horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay isku filnaashaha iyo doorkeeda masraxda caalamiga ah.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, La Taliyaha Sare Yuusuf Garaad, Madax kale iyo Safiirro ka kala socday dalal kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda shaacinta is bedelka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo laga dhigay (UNTMIS).