Farshaxaniiste reer Tansaaniya ah oo lagu eedeeyay inuu gubay sawirka Madaxweyne Samia Suluhu Xassan, ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo dhan $2,000 oo doolar ka dib markii lagu helay dambiyo dhanka internetka ah.
Shadrack Chaula ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu duubay muuqaal baraha bulshada ku faafay, oo muujinaya isaga oo gubaya sawirka madaxweyne Samia xilli uu sidoo kalana aflagaadeeynayay.
Booliisku waxay sheegeen in Chaula uu “ereyo adag” u adeegsaday madaxweynaha muuqaalkii uu soo dhigay akoonkiisa TikTok 30-kii Juun isagoo ku sugan tuulada Ntokela, ee ku taal koonfurta-galbeed ee magaalada Mbeya.
24-sano jirkan ayaa qirtay inuu galay dambiga wuxuuna ku guul dareystay inuu maxkamada horteeda ka diifaaco dambiga uu geystay.
Xarigiisa ayaa dhaliyay muran dhanka sharciga ah, iyadoo qaar ka mid ah qareenada ay sheegeen inuusan jirin wax sharci ah aan la jabiyey marka la eego gubidda sawirka Madaxweyne Saamiya Suluhu.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa bilaabay olole dhanka internetka ah si ay lacag ugu ururiyaan oo ay uga bixiyaan lacagta ganaaxa ah ee Chaula lagu xukumay si xabsiga looga sii daayo.
Sannadkii 2018-kii, Tansaaniya waxay soo saartay sharciyo adag oo ka dhan ah faafinta “wararka been abuur ah”, kuwaas oo dadka dhaleeceeya u arkaan hab lagu xakameynayo xorriyadda hadalka.