Saraakiisha ciidanka ammaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa sheegay in laga shakiyay darmuusyo iyo agabyo kale uu waday ninkan, waxaana baaris kaddib laga helay agabkaasi qaraxyo lagu soo qariyay.
Ninkan ciidamada ammaanka qabteen lagu magacaabo Abuukar Illey, waxaana la sheegay ninkan in horey looga shakiyay looguna xiray xabsiga magaalada Xarardheere, ayaa markii dambe qaab damiin ah lagu siidaayay.
Laamaha ammaanka degmada Xarardheere , ayaa hadda baaritaanno dheeraad ah ku sameenaya ninkan qaraxyada loo soo dhiibay, waxa ayna saraakiisha baarayaan cidda usoo dhiibtay qaraxyada iyo cidda lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo