Heemaal News Network

Nin Xaaskiisa ka Kireyn jiray Rag kufsada Oo Maxkamd la Horkeenay

Maxkamad ku taalla Faransiiska ayaa maanta dhagaysatay dacwad ka dhan ah eedeysane lagu magacaabo Dominique P, oo 71-jir ah, waxaa lagu eedeeyay inuu dad uusan aqoon online ka qori jiray si ay gurigiisa ugu yimaadaan oo uu u faraxumeeyaan xaaskiisa muddo toban sano ka badan.

Dominique Pelicot ayaa xabsiga ku jiray ilaa Noofambar 2020.

Haweeneyda ayaa la siin jiray daroogo suuxisa, kama aysan warqabin xadgudubka soo noqnoqda, sida ay sheegeen qareenadeeda.

Kiiskani ayaa noqday mid ay argagax galiyay dadka Faransiiska oo la yaabay baaxadda dembigan.

Booliska ayaa ogaaday ugu yaraan 92 la kufsaday haweeneydan taasi oo ay geysteen 72 nin. Ilaa 50 qof ayaa la aqoonsaday oo dacwado lagu soo oogay, waxaana la maxkamadeynayaa sidoo kale ninkeeda.

Haweeneyda kufsiga loo gaystay, oo hadda 72 jir ah, ayaa ka war heshay xadgudubka 2020 ka dib markii ay ku wargeliyeen booliiska.

Maxkamadeyntu waxay u noqon doontaa “mid argagax leh ” iyada, ayuu yiri qareenkeeda Antoine Camus, maadaama ay noqon doonto markii ugu horreysay oo ay aragto caddeymo muuqaal ah oo ku saabsan xadgudubka.

“Markii ugu horeysay, waa inay ogaato kufsiga ay u dulqaadatay in ka badan 10 sano,” ayuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Dominique P ayay booliisku baareen ka dib dhacdo bishii Sebtembar 2020, markaas oo waardiyiha uu ku qabtay isaga oo si qarsoodi ah filim uga duubaya saddex dumar ah oo ku sugan xarun laga dukaansado.