Heemaal News Network

NISA Oo Gacanta ku Dhigtay Sarkaal Gacan yare U Ahaa Hogaamiyaha Al Shabaab

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsan al shabaab, ka mid ahaa Gacanyarayaasha hogaamiyaha kooxdaas Axmed Diiriye.

Sarkaalkan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay, iyadoo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Nuxudiin daqare ayaa ka soo howlgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyey gobollada kala ah; Bay, Galgaduud Mudug iyo Shabeelaha Hoose.

Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan xog ku saabsan horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka mid ahaa Gacanyarayaasha Axmed Diiriye.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka iyo UK Oo Puntland ka Taageeraya la Dagaalka Argagaxisada iyo Burcad-badeedka

Heemaaln

Britain oo balan-qaaday iney Saddex Arrin ka Taageereyso Dowlada Somalia

Heemaaln

Dagaal u Dhexeeya Maleeshiyo kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug Oo ka socda..

Heemaaln