Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo maanta Shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ay u dirayaan Madaxda Mucaaradka ee Dowladda siidii ay uga qeyb gali lahaayeen gogoshadii uu fididyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo ay horey mucaaradka shuruudo ugu xireen ka qeyb galkoodi Shirkaasi.
War saxaafadeed ay kasoo saareen fadhigii ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Odayaashaan Dhaqanka ayaa waxa ay soo dhoweeyeen baaqa Madaxweynaha Soomaaliya ee ah gogosha wadatashiga Qaran laga soo qeyb galo gaar ahaan Siyaasiyiinta Soomaaliya si xal waara looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Odayaashaan ayaa bayaankoodi sidoo kale ku xusay inay u mahadcelinayaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee Macawiisleeyda loo yaqaano ee dagaalka kula jira Kooxda Al-shabaab.
Sidoo kale waxa ay shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay iskugu soo baxaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaarka cod bixinta si ay uga qeyb galaan Doorashooyinka Golaha degaanka si ay codkoodi ugu ciil baxaan ayna u doortaan hogaamiyaha ay doonayaan.
Maalinta Berrito oo ay taariikhda ku beegan tahay 15ka June, ayaa loo madlan yahay qabsoomida shirka wada tashiga Qaran ee uu ku baaqay 1dii Bishaan June Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si ay siyaasiyiinta dalka iyo Dowladda ay uga wada arinsadaan xaaladda uu dalka marayo oo ay ugu horeeyaan arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo dagaalka Al-shabaab.