Heemaal News Network

Pakistan iyo Hindiya Oo Caawa Isweydaarsaday Weerarro culus Diyaarado Dagaal Oo Hindiya laga

Pakistan iyo Hindiya ayaa caawa isweydaarsaday weerarro culus kadib markii Hindiya ay saddex gantaal ku dhufatay magaalooyin ku yaal dhulka Pakistan maamusho ee Kashmir, taasoo sababtay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca 12 kale.

Pakistan ayaa sheegtay in ay laba diyaaradood oo Hindi ah soo ridday, ayna si buuxda uga jawaabayso “gardarrada” Hindiya. Magaalada Muzaffarabad ayaa ka mid ahayd meelaha si weyn loo beegsaday, halkaasoo koronto la’aan ay ku dhacday.

Hindiya ayaa sheegtay in weerarradeedu ahaayeen kuwo ka dhan ah xarumo ay ku sheegtay argagixiso, iyadoo howlgalkaas ay ugu magac dartay “Operation Sindoor”.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay iyadoo Mareykanka iyo dalal kale ay ugu baaqeen labada dhinac inay isxakameeyaan.