Heemaal News Network

Pakistan Oo Dalacsiisay Maskaxdii ka Dambeysay Guusha Dagaalkii India

Wixii ka dambeeyay dagaalkii India iyo Pakistan ee 2025, dawladda Pakistan waxay Muniir u dallacsiisay darajada Field Marshal 20kii Maajo 2025, taasoo ka dhigtay shakhsigii labaad ee taariikhda Pakistan ee gaaray darajadaas keddib Ayuub Khaan.

Dallacaadda Caasim Muniir ee Field Marshal waxa ay ka dhigaysaa in uu noqday taliyihii millateri ee ugu horreeyay ee taariikhda Pakistan la wareegaya xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga (COAS) isagoo leh darajada Field Marshal (shan-xiddigle guud), taas oo ah taariikh cusub oo ka baxsan caadada, halkaas oo COAS ay inta badan haysato (darajada guud ee afar-xiddigaha).

Keligiis taliyihii affembiga ku qabsaday dalka Pakistan, Ayub Khaan, waxa uu isu dallacsiiyay darajada Field Marshal markii ugu horreysay taariikhda Pakistan 1959-kii, hase yeeshee waxa uu ka tagay xafiiska Taliyaha Ciidanka Militariga wax yar uun keddib markii uu is dalacsiiyay.

Ayuub Khaan waxa uu afgebiyay madaxweyne Iskander Cali Mizra, 1958-kii, waxana uu xukunka hayay ilaa iyo 1969-kii.

Dagaalkii May 2025 ee dhex maray Pakistan iyo Hindiya wuxuu si weyn kor ugu qaaday sumcadda militariga Pakistan gudaha dalka.

Waxaa is beddelay dareenkii dadweynaha oo horey uga soo horjeeday militariga, gaar ahaan kaddib kacdoonkii 2023, balse dagaalka kaddib waxaa la dareemay midnimo qaran iyo taageero ballaaran oo loo muujiyay ciidamada.