Heemaal News Network

Pakistan Oo ku Dhawaaqday inay Adeegsan Doonto Hubka Nukliyeerka Haddii Khatar Gasho Jiritaankeeda;

Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay adeegsan doonto hubkooda nukliyeerka haddii ay dhacdo khatar ku wajahan jiritaankeeda; ma aha inay Pakistan sugi doonto in la isla gaaro weerarrada nukliyeerka.

Balse isla marka uu dhaco ku xad-gudubka madax bannaanida Pakistan , waxay qaadi doonta Islamabad weerar nukliyeer, xilli feejignaan sare la geliyay milatariga Pakistan, kaddib markii ay Hindiya sare u qaaday hanjabaada ka dhanka ah Pakistan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda difaaca Pakistan.