Wasiirka ugu sareeya ee gobolka Punjab ee dalka Pakistan ayaa balan qaaday in tilaabo cad laga qaadi doono rag hubaysan oo dilay laba iyo toban askari oo boolis ah.
Maryam Nawaz ayaa sheegtay in weerarkii Khamiista uusan noqon doonin mid aan aargoosi lahayn.
Saraakiishan ayaa la sheegay in gantaallo lagu garaacay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen oo marayay deegaanka Kacha.
Gobolka oo caan ku ah kaymo cufan iyo dhoobo ayaa gabaad u ah kooxaha dambiilayaasha ah ee ku lugta leh afduubka iyo dhaca.
Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay degmada Rahim Yar Khan.
Saraakiishan ayaa la sheegay in ay ku guda jireen roondo ay ku sugnaayeen goob cidlo ah oo ay ku baadi goobayeen burcadda ka howlgasha gobolka.
Booliiska Punjabi ayaa sheegay in dableyda ay u badan tahay inay ahaayeen tuugo.