Israa’iil waxaa duullaanka ay ku qaad3”een Iran garab ku siinaya Mareykanka , UK iyo dowlado kale oo reer Galbeed ah, kuwaa oo si hoose iyo si toos ahba garab ugu siinaya ciidamada Israa’iil duullaanka ay qaadeen dalka Iran.
Dowladda Pakistan oo kamid ah dowladaha Islaamka ee ku hubeysan hubka nukliyeerka , ayaa si toos ah shaaca uga qaaday in ay garab taagan tahay dowladda Iran oo ay sheegtay in lagu qaaday weerar aan laga fiirsan oo gardarro ahaa.
Wasiirka Difaaca dalka Pakistan Khawaja Asif oo maanta la hadlay golaha amniga ee dowladda Pakistan ayuu ku caddeeyay in dowladiisa garab taagan tahay dowladda Pakistan uu sheegay in duullaan dulmi ku dhisan lagu qaaday.
“Israa’iil waxay bartilmaameedsanaysaa Yemen, Iran, iyo Falastiin… Xaaladdan oo dhan, Isra’iil keligood ma dhaqaaqayaan, waxaa jira quwaddo kale oo garab siinaya — Haddii dunidda Islaamka aysan hadda midoobin, dhammaanteen waxaan la kulmi doonnaa isla masiirkaas.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan.
Wasiirka Difaaca dowladda Pakistan, ayaa si aan gambasho laheyn u sheegay in xilligan adag ay garab taagan yihiin walaalahooda Iran, isaga oo intaa ku daray in xanuunka iyo murugada la dareemayaan walaalahooda reer Iran.
“Xilligan adag, Pakistan waxay Iran u garab taagan tahay si buuxda oo dhan kasta ah. Waxaan difaaceynaa danaha Iran. Dadka Iiraan waa walaalaheenna, xanuunkooda iyo murugadoodana waan wadaagnaa.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan.
Dowladda Pakistan , ayaana noqoneysa dowladii ugu horreysay oo Islaam ah oo caddeysa in ay garab taagan yihiin Iran, waxaana dagaalka socda sheeda kore ka fiirsanaya dowladaha kale ee Islaamka, gaar ahaan kuwa Carbeed ee kuyaalla Bariga Dhaxe.