Heemaal News Network

Puntland: “Haddii Somaliya ay kala tagto waxaa Masuuliyaddeeda Qaadaya Madaxweyne Xasan Sheikh”

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay, in wax ka bedelka dastuurka ay horseedi doonto kala taga midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay, haddii Soomaalidu ay kala qaybsanto in madaxweyne Xasan Sheekh uu keligiis mas’uuliyadeeda qaadayo.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid, xilli Puntland dhawaan ay shaacisay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan, iyagoo kalsoonadii kala noqday dowladda federaalka.

Maalmo kadibna maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu wafdi u diro Ethiopia, si ay ulasoo yeeshaan wada xaajoodyo ku saabsan in Ethiopia ay iskaashi dhow la yeelato maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale, Puntland ayaa ka hortimid go’aan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa in la xiro qubsuliyadda ay dowladda Ethiopia ku leedahay magaalada Garowe.

Geesta kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay tabasho kaste oo la qabo in aysan cudur daar u noqon karo in shisheeye loo raadsado kaalmo. Wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ku dhaqanto wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxay Somaliland ka tiri Inay Hargeysa Joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah.

Heemaaln

Madaxweynaha Jabuuti Oo Dhaliilay Heshiiska Is-afgaradka Ee Itoobiya iyo Somaliland

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo Caawa Socod ku Maray Suuqyada Waaweyn Ee Magalada Muqdisho.(Sawiro

Heemaaln