Heemaal News Network

Puntland: “Ma jirin Cid saddexaad oo Dhexdhexaadin ka ahayd Isdhaafsiga Maxaabiista.

Puntland iyo Somaliland ayaa maanta si toos ah u gaarey heshiis isweydaarsi maxaabiis ah, iyada oo aanay jirin cid saddexaad oo dhex-dhexaadin ka gashay arrintan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Labada dhinac ayaa isla gartay in la isweydaarsado 26 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

Puntland ayaa heshiiskan ku tilmaamtay mid muujinaya isfahan iyo rabitaan wadajir ah oo lagu xallinayo arrimo bani’aadannimo iyo kuwa siyaasadeed.

Waxay sheegtay in heshiiskaan uu dhabbaha u xaari karo wada-shaqeyn dheeraad ah oo mustaqbalka la yeelan karo.

Si kastaba ha ahaate, waa markii ugu horraysay oo muddo sanado ah kaddib ay Puntland iyo Somaliland isweydaarsadaan maxaabiis dagaal oo labada dhinac.

Markii ugu dambeysay oo ay Puntland iyo Somaliland isweydaarsadaan maxaabiis waxay ahayd sanadkii 2018, markaas oo ay labada dhinac ku dagaalameen aagga Tukaraq oo magaalada Garowe u jirta 70km.

Maxaabiista maanta la isweydaarsaday ayaa qaar kamid ah qaba saamaynta dhaawacyadii kasoo gaaray dagaaladii ka dhacay Sool 2023, kuwaas oo qaar kamida ay ku naafoobeen.