Heemaal News Network

Puntland Oo Amartay in Aragti Lagu Toogto Saddex Nin Oo Baxsad ah

Waxaa maanta fagaare kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland lagu toogtay 10-nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dilal kala duwan oo ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Xubnaha Al Shabaab katirsanaa ee maanta la toogtay oo 10 ahaa waxaa ka maqan oo iyana xukun dilka ah horey loogu riday saddex nin , kuwaa oo dhawaan ka baxsaday xabsi kuyaalla magaalada Gaalkacyo ay ku xirnaayeen.

Sargaal katirsan maxkamadda ciidamada ee maamulka Puntland ayaa amray in aragti lagu toogto saddex nin ee xabsiga ka baxsaday, waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka Puntland amar u qabaan in meel kasta ay ku arkaan saddexda nin ee xukunka dilka ah ku dhacay dili karaan.

Raggan ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxa ayna dadka qaar aaminsan yihiin in raggaasi oo isbuucyo kahor baxsaday hadda joogaan meel ammaan ah oo baxsan deegaannada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa marar badan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku toogatay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab , kuwaa oo ka dambeeyay dilal magaaladaasi loogu geestay waxgarad, saraakiil iyo dad kale oo bulshada indho u ahaa.