Heemaal News Network

Puntland oo dib looga celiyay $3 Milyan oo dollar oo loogu tala galay taageerada Waxbarashada

Puntland ayaa dib looga celiyay lacag dhan $3 milyan oo doolar oo ay qayb ka ahayd mashruuca JRP (Joint Resilience Program), oo ay ku bahoobeen hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF, WFP, iyo FAO.

Lacagtan ayaa loogu talogalay dhismayaasha iyo dayactirka iskuullada, daabacaadda iyo buugaagta ardayda wax lagu baro, iyo manhajka waxbarashada Puntland.

Mashruucan ayaa lagu fulin lahaa degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob.

Si kastaba, lacagtaas ayaa dib ugu noqonaysa deeq-bixiyayaasha ka dib markii wasaaradda Waxbarashada Puntland ay hor istaagtay fulinta mashruuca.

Waxaa sidoo kale la ogaaday in Puntland ay waayidoonto qoonadeeda wajiga labaad ee mashruuca JRP, maaddaama ay guuldareysatay fulinta wajiga koowaad.