Heemaal News Network

Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Dooni iyo Kalluumaysato Yemeniyiin ah oo la Socotay

Maamulka badda ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xabsiga dhigay 27 kaluumaysato Yemeni ah oo uu ku jiray hal qof oo Soomaali ah, xilli ay doontii ay wateen ay si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay gudaha badda degaanada Puntland.

Kalluumeysatada ayaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga kalluumeysiga, waxaana Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Puntland ay tilmaamtay in doonidan oo lagu magacaabo “Maimon 1” ay leedahay dowladda Yemen.

Waxaa doontaan iyo kalluumaysatadii saarneeyd gacanta kusoo dhigay ciidamada ilaalada xeebaha ee gobolka Raas Casir 14-kii bishan iyadoo adeegsaneysa hab loo yaqaan “Hawi” taasoo mamnuuc ka ah sharciga Puntland.

Warku wuxuu intaa ku daray in doonidaan aysan lahayn wakiil rasmi ah oo ka diiwaan gashan wasaaradda, taasoo ka dhigan xadgudub kale oo ka dhan ah xeerarka iyo shuruucda u degsan Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in la ogeysiiyay safaaradda Yemen ee Muqdisho, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiinta kale ee ay khuseyso.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in doonida ay weli xiran tahay, waxaana lagu wadaa in todobaadkan la horgeeyo maxkamadda darajada koowaad ee degmada Baargaal si looga qaado tallaabo sharci ah oo lagama maarmaan ah.

Dhankeeda, Hay’adda Guud ee Kalluumaysiga ee Badda Carabta, ayaa shalay sheegtay inay xiriir joogto ah la samaynayso Hay’adaha ay khusayso ee Soomaalida, iyadoo la fulinayo awaamiirta ka soo baxday Maamulka Deegaanka ee Gobolka Xadhramaut, si loo daba-galo kiiskan, loogana shaqeeyo sidii loo sii dayn lahaa Kalluumaysatada.