Heemaal News Network

Puntland Oo Heshay Diyaarad Ciidamada ka Caawineysa Dagaalka Daacish (Sawirro)

Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay diyaarad helicopter ah oo loogu talagalay daabulidda askarta ku dhaawacanta howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka Bari.

Diyaaraddan ayaa sidoo kale loo adeegsan doonaa keenista saadka, gaar ahaan daawooyinka ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Puntland ayaa sheegtay in goobaha dagaalladu ka socdaan ay yihiin deegaano buuro ah oo ay adag tahay in gaadiidka gurmadka degdegga ah gaaraan.

Diyaaraddan ayaa lagu wadaa inay fududeyso gurmadka iyo gaarsiinta sahayda ciidamada.

Inkastoo Puntland aysan faahfaahin ka bixin halka diyaaraddan laga keenay, masuuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo taageerada ciidamada Puntland ee ku hawlan ciribtirka kooxda Daacish.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta ciidamada Puntland ayaa ahaa gurmad gaarsiinta askarta ku dhaawacanta howlgallada Daacish.

Askar badan oo ku dhaawacmay qaraxyo lala eegtay ayaa naftooda ku waayay dhiig bax, iyagoo waayay gurmad caafimaad oo degdeg ah, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin katirsan maamulka Puntland.