Maamulka Puntland oo qaadacday gogosha wadahadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu u fidiyay hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah.
Maamulka ayaa sheegay in ay dagaal kula jiraan Daacish, isla markaana aysan waqti u heyn baaqa Xasan Sheekh iyo gogosha uu sheegay inuu fidinayo.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in gogosha ay dowladda federaalka u fidisay ay tahay mid ka timid beesha caalamka, kuwaaoo sida uu sheegay Xasan ku qasbay inuu madaxda Siyaasadda isku keeno.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan ka hadlayay Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si aragtidooda iyo dadaalkooda qeyb uga noqdo dagaalka kooxaha xagjirka ah iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah oo u shaqeya dastuurka iyo sharciyada u degsan.
Marka laga soo tago siyaasadda, Dhamaan Maamulada kale ee dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha bulshada ayaa soo dhoweeyey gogosha uu shaaciiyey Madaxweynaha Somalia ka dib cadaadis kaga yimid beesha caalamka.