Heemaal News Network

Puntland Oo Qar Iska Tuuris ku Tilmaantay Taageerada DFS Ee Dagaalka ka Dhan ka ah Xuutiyiinta

Puntland ayaa ‘qar iska xoornimo’ ku tilmaantay taageerada Dowladda Federaalka ee dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen, iyada oo sheegtey in taasi keenayso in Xuutiyiintu weeraraan magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ee Puntland & Somaliland.

Dawlada Fadaraalka Somaliy ayaa dhawaan sheegtey in ay taageersan tahay dagaalka ay Sucuudiga iyo Imaaraadku kula jiraan Xuutiyiinta Yemen.