Heemaal News Network

Puntland Oo Wafdi kale u dirtay Itoobiya ka dib Go’aankii Dowlada Somalia (Sawirro)

Wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Duulista Hawada Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor u qaadista duulimaadyada diyaaradda Itoobiya ee Boosaaso iyo Garoowe, iyadoo la soo kordhinayo Duulimaad xammuul ah.”

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay xiriirkii ay la lahayd Itoobiya, dalkana ay ka ceyrisay Safiirkii Itoobiya ee Muqdisho.

Maalmo ka hor ayey markii Wafdi ka socda dawlad goboleedka Puuntland ay gaareen dalka Itoobiya, waxaana horkacayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohamed farah Mohamed.

Mudane Meganu Arga oo ka tirsan Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa qaabilay wafdiga. Sidoo kale waxaa lagu soo daabacay bogga sawirada kulanka dhex maray labada dhinac oo heshiisyo lagu kala saxiixday

Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa kulankaas ka dib soo saartay go’aan diblomaasiyad ahaan saamaynaya xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ku dhawaaqday inay xirtay qunsuliyado ay Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo Garowe, halka safiirka Itoobiya u joogay Somalia ay fartay inuu 72 saac gudahood dalka kaga baxo.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay in ay xiriirka u jartay dawladda federaalka Soomaaliya kadib markii la ansixiyay waxkabadalka dastuurka Soomaaliya oo ay si weyn uga soo horjeeday.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Waxa la Gaadhi Doona Dadka oo Muuse ku Yidhaahda Naga Tag ” Gudoomiye Xirsi

Heemaaln

“Xalku Wuxuu Noqon doona Somaliland oo La waayo Ama Muuse Biixi Oo la Waayo “Siyaasi Cali Guray

Heemaaln

“Qoladan aanu is Haysanaa waa intii Hantidii Ummada Dheceen” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Heemaaln