Xukuumadda Puntland ayaa nasiib-darro ku tilmaantay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in uu Xaalad hubanti la’aan ah u horseedayo Dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee Khamiista Maanta ah ayaa ku tilmaamay Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran kuwa ka horjeeda Dastuurka KMG ah ee Dalka iyo Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.