Heemaal News Network

Q/Midoobay Oo Puntland kala hadashay ilaalinta Xaquuqda Aadanaha Ee Dagaalka Daacish

Saraakiil sare oo ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan qeybta la dagaallanka argagixisada, ayaa magaalada Garowe kula kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland, kuwaas oo uu hoggaaminayay Taliye ku-xigeenka koowaad ee Booliska Puntland, Gen. Caydiid Axmed Nuur.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadanaha inta lagu guda jiro howlaha lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ka dhageystay Puntland warbixin ku saabsan sida maamulka Puntland uu u maareeyo maxaabiista lagu qabto dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, arrimaha la xiriira askaraynta carruurta, iyo guud ahaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Puntland

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga ee Puntland iyo Qaramada Midoobay, si loo hubiyo in hawlaha la xiriira sugidda amniga loo fuliyo si waafaqsan mabaadi’da xuquuqda aadanaha.

Dhawaan ayay ahayd markii khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, Ms. Isha Dyfan, ay walaac ka muujisay xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Waxay sheegtay in dalka uu wajahayo marxalad kala-guur siyaasadeed oo ay si dhow ula socdaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, iyadoo xustay in isbeddellada degdega ah ee ka jira gudaha dalka – dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo bani’aadannimada – ay si toos ah u saameeyaan helitaanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Ms. Dyfan waxay si kulul u cambaaraysay kooxda Al-Shabaab, oo ay ku tilmaantay dambiile weyn oo geysa tacaddiyo joogto ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay carruurta ka mid yihiin, iyada oo ku eedeysay sii hurinta colaadda iyo xasilooni darrada dalka.