Heemaal News Network

Qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka oo ay Maanta u tahay Maalinta koowaad ee Ciidul fidriga

Iyadoo maalintii shalay aheyd laga ciiday inta badan dunida Islaamka ah iyo deegaanada Soomaalida intooda badan ayaa hadana maanta waxaa jira dad Soomaali ah oo ay u tahay maalinta koowaad ee Ciida Soonfureed.

Dad badan oo ku kala magaalooyinka ay ka mid yihiin Muqdisho, Baledweyne, Guriceel, Gaalkacyo, Caabdiwaaq iyo Garoowe ayay maanta u tahay maalinta koowaad ee ciidul fidriga.

Magaalooyinka aan kor kusoo xusnay ayaa dhamaantood saakay si weyn looga oogay Salaadii Ciida, waxaana qaar ka mid ah Masaajidda magaaloyinkaas saaka laga maqlay dhawaaqa takbiirta.

Dhanka magaalada Muqdisho, waxaa Salaada Ciida saakay boqolaal dadweyne ah la Tukaday gudoomiyaha Xisbiga Towfiiq Sheekh Maxamed Shaakir iyo xertiisa Ahlu Sunna oo wehlinayeen masuuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka Galmudug oo ay u aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fitriga.

Magaalada Garoowe waxaa sidoo kale saakay wadooyinkeeda socod ku maray Culimada xerta magaaladaas oo iyagana maanta u aheyd maalinta koowaad ee Ciida, kuwaas dariiqyada ku maray Nabi Ammaan.

Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah leys kugu khilaafo dhalashada bilaha Soonka, Soon furka iyo tan Ciida Carafo, waxaana taasi ay keenta in dadku kala Ciidaan laba maalin.