Heemaal News Network

Qaar ka Mid ah Wasiiradii Uu Magacaabay Deni Oo Xilka la Wareegay.(Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadaha ay xilka Kula wareegayeen Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guryeynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Duulista Hawada iyo Garoomada Diyaaradaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Wasiirada cusub iyo Kuwii hore ee maanta uu xilka u kala wareejiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa kala ah :-

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta, Mudane Faarax Cawad Jaamac iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Axmed Bashiir Muuse, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada , Mudane Cabdullaahi Bile Nuur iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdicasiis Macalim Ibraahim, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dabiiciga ah Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Siciid Xasan iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay dhammaan Wasaaradahan iyo shaqooyinkii ay qabteen, wuxuuna Wasiirada cusub u rajeeyay in ay hore ugasii wadaan halkaasi loogu dhiibay shaqooyinka aasaasiga ah ee Dowladnimo iyo u adeegida dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

khudbadii Madaxweynaha SSC Khaatumo Ee soo Dhawaybta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Oo soo Gaaray.

Heemaal

Khasaare ka Dhashay Booyad Shidaal Oo ku Basbeeshay Degmada Warta Nabada Ee Muqdisho

Heemaaln

Puntland Oo ka Hadashay soo Qabashada Rag Ganacsade ku Dilay Gaalkacyo.

Heemaaln