Booliska Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taal gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.
Tobaneeyo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaasoo dhacay xilli tareen subaxa hore meesha ka baxa uu ka sii dhaqaaqayay busteejada Quetta ee koonfur-galbeed Pakistan, uuna ku sii jeeday magaalada Peshawar.
Koox mintidiin ah oo lagu magacaabo Ciidamada Xoreynta Balochistan Liberation Army, ayaa sheegtay in ay fuliyeen qaraxa oo ay booliisku u arkaan in uu ahaa weerar ismiidaamin ah.
Dhawaanahan waxaa gobolka si aad ah ugu soo badanayay weeraro lagu hoobtay oo ay ay ka dambeeyeen fikradaha madaxbanaani doonka iyo gacan ku haynta kheyraadka deegaanka.
Guddoomiyaha magaalada ayaa sheegay in 24 qof ay ku dhinteen ku dhawaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Sargaal sare oo ka tirsan Booliska, oo la yiraahdo Muxamed Baloch ayaa sheegay in qaraxa loo maleynayo inuu ka dhashay qof is miidaamiyay oo watay 6-8 kiilo oo walxaha qarxa ah. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira rayid iyo ciidan, sida uu BBC-da u sheegay.
Muuqaallada lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqda kuwa muujinaya xilliga uu qaraxu dhacay subaxnimadii Sabtida, iyadoo tobanaan qof ay ka muuqdeen goobta. Waxaa sidoo kale la arkayaa muqaalo muujinaya sida ay wax u dhaceen, kuwaasoo muujinaya tiro dad ah oo dhaawac ah iyo burbur xoog leh oo gaaray busteejada.