Heemaal News Network

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan

Qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa mla sheegay inuu isku qarxiyey maqaayad ku taalla barxadda Iskoolo Boolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo dad kale oo shacab ah

Waxaa la soo sheegayaa in qaraxaas uu geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadaas inkastoo aan la heynin weli tirakoob sax ah.

Ciidamada amaanka ayaa xiray goobtaas iyagoo wada baaritaano, waxaana sidii kale halkaas laga daad gureynayaa dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amniga oo qaraxan la xiriira

Ma ahan markii ugu horeysay ee maqaayad ku taalla afaafka hore ee Iskoolo Buluusiyo uu ka dhaco qarax noocan oo kale ah.