Heemaal News Network

Qarax Lagu Bur-buriyey Booyad ay Lahaayeen Ciidamada Puntland Oo ka Dhacay..

Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa lagu burburiyay booyadii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada PMPF maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay uu gebi ahaanba burburiyay booyaddaas.

Waa qaraxii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Boosaaso.

Ilaa saddex ruux ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay goob lagu qayilo halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale

Waxaa Boosaaso ka socday todobaadyadii u dambeeyey qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha ganacsiga iyo meheradaha la isugu yimaado kuwaasoo khasaare kala duwan geystay

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliland Oo Sheegtay Inay U Gurmatay Dhaawacyada Jabuuti Ee ka Dhashay Roobabka

Heemaaln

Ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Oo Itoobiya Gaaray, Kulan-na la Qaatay

Heemaaln

Macallin loo Dilay Arday Uu ku Canaantay Gudaha Iskuul ku Yaala Muqdisho.

Heemaaln