Heemaal News Network

Qarax weyn Oo Lagu Weeraray Hotel SYL iyo Rag Hubeysan Oo Gudaha u Galay

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow abaare 9:40pm fiidnimo ka dhacay Hotelka SYL oo ku kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Hotelka ayaa waxaa degan Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Somalia.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan inuu geystay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo xawaare sare ku socday kaasoo jiiray baro Kontrol oo halkaas ku yaalla.

Qaraxa ka dib rag hubeysan oo ka tirsan Al shabaab ayaa la sheegay galeen hotelka gudihiisa halkaasoo ay ku dagaalamayaan iyaga iyo ciidamada amaanka lama oga illaa hadda khasaaraha waxaana aaga hotelka laga maqlayaa rasaas xoogan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Is-rasaasayn Borama ka Dhacday Maanta Oo Laga Hadlay.

Heemaaln

Dhageysiga Kiiska Edeysanayasha loo Heysto Dilka Labadii Wiil Ee Walaaha ahaa Oo..

Heemaaln

Boliska Cadaado Oo Gacanta ku Dhigay Odayaal iyo Dhalinyaro ku Eedeysan..(Sawirro)

Heemaaln