Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, ayaa maanta ku dhawaaqay in wasaaradda difaaca Ruushka loo oggolaaday inay soo diyaariso qiimeynta shuruudaha isticmaalka hubka nukliyeerka ee Ruushka.
Madaxwayne Putin ayaa isbeddel ku sameeyay in hadda Ruushka uu qiimeynayo haddii uu la kulmo weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn inuu adeegsan karo bambooyin nukliyeer ah.
Afhayeenka Kremlin-ka,Dmitry Peskov ayaa sheegay in isbeddelka lagu sameeyay adeegsiga hubka nukliyeerka ay la xiriirto joogitaanka NATO ee sii kordhaya iyo doorka awoodaha nukliyeerka ee iskahorimaadka Ukraine.